U bood dhigaalka

Dhaqanka Cadaado Oo Diiday La Kulanka Ra’isul Wasaare Kheyre, Kuna Eedeeyey Balan Ka Bax

Sheeko:Dalka

Odeyaasha dhaqanka magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa maanta diiday iney la kulmaan ra’isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdigiisa.

Xasan Kheyre ayaa la sheegayaa in Cadaado gaaray kadib safar dhulka ah uu uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb, isaga oo ku sugnaa xarunta madaxtooyada muddo hal saac ah, laakin waxaa uu barnaamijkiisa isbadalay markii odeyaasha dhaqanka uu rajada ka lagaa la kulankooda ay iska diideen aragtidiisa ama la kulankiiba.

Ilo lagu kalsoon yahay, oo ku sugan gudaha Cadaado ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in odeyaasha dhaqanka ay marka hore ka xumaadeen inuu Kheyre yimaado magaalada isaga oo safar ah, oo meel kale uga sii gudabaya iyo in uu ka baxay balamo ay ka mid aheyd in Cadaado qeyb ka noqoto go’aan ka gaarista halka lagu qabanayo shirarka dib u heshiisiinta bulshada Galamudug iyo sidoo kale in lagu qabto doorashada Galmudug sida uu amray madaxweyne Axmed Geelle Xaaf.

Dhankiisa siyaasiyiin la kulmay Xasan Kheyre, ra’isul wasaaraha Soomaaliya waxaa uu ku wargeliyey in aanu sheegin meesha doorashada ka dhaceyso, taasina lagu go’aamin-doonno shirka dib u heshiisiinta, laakin xataa mar-marsiyahaasi waa lagu diiday, taasi uu keentay inuu hungoobo, iskana sii-wato socdaalkiisa, isaga oo aadey dhanka Galkacyo.

Bulshada Galmudug waxaa ay shaki badan ka qabaan niyadda dowladda federaalka ah ee ku aadan dhismaha dowlad goboleedka Galmudug, waxaana shakiga sii kor dhiyey markii ay Villa Somalia go’aamisay meesha shirarka ka dhacayaan iyo markii ay wasaaradda arrimaha gudaha is hoos-geysay maamulka doorashada.

Ra’isul wasaare Xasan Kheyre oo 24-kii bishii hore safar ku tagay Galmudug ayaa ilaa hadda ku guuldareystay isu keenista dhaqanka, waxaana su’aalo badan ka taagan yihiin arrimaha dib u heshiisiinta iyo hannaanka doorashada.

Goobjoog News