U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaga ganacsiga suuqa Bakaaraha oo hakad ku jira maalintii labaad

Sheeko:War
Suuqa Bakaaraha
Suuqa Bakaaraha

Waxaa maalintii labaad hakad ku jira dhaq dhaqaaqa ganacsiga ee Suuqa Bakaaraha kadib markii ay ganacsatada suuqaasi cabasho ka muujiyeen qiimaha canshuuraha dowladda.

Mid ka mid ah ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ay taleefoonka kula xiriirtay Goobjoog FM ayaa sheegay in ganacsiga suuqa uu gabi ahaanba hakad ku jiro maanta oo ah maalintii labaad.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in cabashada ay qabaan hadii aysan dowladdu wax ka qaban in aysan furi doonin ganacsiga suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in aysan canshuuraha qaadi Karin ciidamo aan ahayn kuwa loo xil saaray ururintooda.

Hoos ka dhageyso codka: