U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaq Ciidan Oo Laga Dareemayo Deegaanka Janaale Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in dhaq dhaqaaq ciidan halkaasi laga dareemayo, iyadoo ay wadaan dhaqdhaqaaqaasi ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in shacabka halkaasi ku dhaqan uu soo wajahay wal wal, iyaga oo ka baqaya in dushooda lagu dagaallamo.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in meel ku dhaw degaankaasi ay soo buiux dhaafiyeen, waxaana dadka ay ka baqayaan in halkaasi dagaal lagu soo qaado.

Ciidamada AMISOM ayaa la iyaguna la tilmaamay in aysan fariisin ku lahayn Janaale, hase ahaatee waxaa halkaasi ku sugan ciidamada dowladda oo aan sidaa u badneen iyo sidoo kale Maleeshiyo beeleed hubeysan.

Isku socodkii shacabka ee Janaale ayaa yaraaday, waxaana dadka qaar la sheegay in ay isku diyaarinayaan sidii ay deegaankaasi uga bixi lahaayeen, maadaama xaalad cabsi ah laga soo sheegayo.

Goobjoog News