U bood dhigaalka

Dhaqdhaqaaqyo Ciidan Oo Maanta Laga Dareemayo Gobalka Gedo

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobolka Gedo ayaa ku soo waramaya in saraakiil ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan degmooyin ka tirsan gobolka Gedo oo dhawaan dowladda federaalka ay geysay ciidamo boolis ah.

Wariyaha Goobjoog News ee gobalka Gedo ayaa soo sheegaya in ciidamo ka tirsan Jubbaland oo markii hore ku sugnaa qeybo ka mid ah degmada Ceelwaaq ay maanta soo gaareen duleedka degmada Beladxaawo halkaasi oo ay isku hor fadhiyaan ciidamada uu hoggaaminayo wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan iyo kuwa ay dowladdu halkaasi geysay oo iyagu sugan gudaha magaaladaasi.

Saraakiil u hadlay Jubbaland waxa ay ka digeen in xilligan uu dagaal gobalka Gedo ku dhexmaro ciidamo huwan magaca Soomaaliyeed, waxa ayna shegeen in ay aad uga xunyihiin in ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ay difaac isugu jiraan.

Dhanka kale saraakiishaan ayaa waxa ay ka dhawaajiyeen in ay qaadi doonaan howlgallo kala duwan waxa ayna xuseen in ay iska difaaci doonaan haddii uu weerar uga yimaado dhinaca dolwladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxa ay ciidamo geysay inta ugu badan gobalka Gedo, waxa ayna sheegtay in ciidamadaasi ay uga ogonleedahay xaqiijinta amniga deegaanada gobolkaasi, inkastoo cidamada ay dowladdu goblkaasi geysay laga bixiyay fasiraado kala duwan.

Goobjoog News