U bood dhigaalka

Dhaqtar ku taliyay sare u qaadida nadaafada guriga si looga fogaado cudurka Neefta

Sheeko:Caafimaadka

Mid ka mid ah dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka hawl gala magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hab dhaqanka ugu wanaagsan uguna sareeya ee xakamaynta iyo ka hortaga cudurka neefta uu yahay sare u qaadida heerka nadaafada guriga iyo deegaanka.

Dhaqtar Fowsi Cali Axmed oo marti ku ahaa barnaamijka Caafimaadka ee Goobjoog FM ee ka baxa jimce kasta ayaa tilmaamay in loo baahan yahay mar kasta oo qofku uu isaga shakiyo wax ka mid ah calaamadahan xanuunka neefta uu tago xarunta caafimaad ee ugu dhow.

Fowsi waxa uu carabka ku dhuftay in xanuunkan uu yahay mid qatar ah isla markaana dhibaato ku ah dadyowga caalamka Soomaaliyana ay ku jirto.

Inta taban xanuunkani waxaa keena waxyaaba allergy-ga ah mana ahan xanuun la kala qaado laakiin waxaa la leeyahay waa kala dhaxli karaa marka laga hadlayo nuuca difaaca jirka ee loo yaqaano IGE ee inta badan la dagaalama xasaasiyada jirka.

Hoos ka dhageyso codka Dhaqtar Fowsi Cali Axmed