U bood dhigaalka

Dhariq Caziz oo Geeriyooday(Akhriso Taariikhdiisa)

Sheeko:Dalka

Waxaa mid ka mid ah xabsiyada dalka Ciraaq ku geeriyooday Ra’isul Wasaare ku xigeenka Ciraaq ee xilligii Sadaam Xuseen Dhariq Caziz.

Dhariq markii Xisbiga Bacsiga talada la wareegay 1968-dii, waxaa uu tifaftire ka noqday Wargeyska Xisbiga, kadib Wasiirka Warfaafinta halka 1983-dii, uu Sadaam u magaacaby Wasiirka arimaha dibadda.

Waxaa lagu xasuustaa in Dagaalkii Ciraaq iyo iiraan, uu reer galbeedka ku qanciyay in ay iyaga la jiraan, Markii uu weeraray Kuweit 1990-kii oo reer galbeedka Ciqaar go’doomiyeen, Waxaa uu iiraan, ku qanciyay in ay heshiiyaan.

Waxaa uu ciidamada Mareykanka isku dhiibay April 2003-dii kadib markii Mareykanka uu la wareegay Ciraaq.

Dhariq Caziz waxaa uu ifka kaga tagay 3 wiil oo ay u dhashay Haweeney Masiixiyad ah.