U bood dhigaalka

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Oo Maanta Booqanaya UK Iyo Dibadbaxyo La Filayo Inuu La Kulmo

Sheeko:Caalamka

Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa la filayaa in uu maanta oo Arbaco ah gaaro waddanka UK si uu ula kulmo masuuliyiinta dalkaasi ugu sarraysa. Booqashada dhaxalsuguhu waxa la sheegay inay qaadan doonto muddo saddex cisho ah.

Waa kuma Maxamed Bin Salmaan?

Maxamed Bin Salmaan waxa uu ku magcaaban yahay Dhaxalsugaha Boqortooyada, Ra’iisalwasaare Kuxigeenka, Wasiirka Difaaca Sacuudiga iyo Guddoomiyaha Golaha Arrimaha Dhaqaalaha iyo Horumarka, waxana lagu tilmaamaa ninka Sacuudiga ugu saamaynta badan xilligan.

Dhaxalsuguhu isla markii uu xilalkan qabsaday waxa uu bilaabay in uu waddanka Sacuudiga isbeddelo badan u horseedo. Tusaale ahaan waxa uu xorriyado badan siiyey haweenka waddankaas oo uu xannibaado badan oo saarnaa ka qaaday, waxa uu xirxiray xubno Qoyska Boqortooyada ka tirsan oo uu ku eedeyey musuqmaasuq, waxa uuna daahfuray qorshaha “Saudi 2030 Vision”. Qorshahan waxa qayb ka ah in Sacuudigu uu ka maarmo ku-tiirsanaantiisa shidaalka oo hadda qiimihiisu hoos u dhacayo iyo weliba in isbeddelo bulsheed waddanka laga hirgeliyo.

Muxuu yahay ujeeddada safarkani?

Safarkan uu Maxamed Bin Salmaan oo ah 32 jir ku tegayo waddanka Ingiriisku waa kii sii dibadeed ee ugu horreeyey. Waxana la filayaa in isaga iyo Ra’iisalwasaaraha waddanka UK Therasa May ay ka wada hadlaan xoojinta xiriirka labada waddan iyo in Sacuudiga lagu qanciyo in uu shirkaddiisa shidaalka ee Aramco ka diiwaangeliyo Suuqa Saamiyada Ingiriiska “Stock Market”. Ingiriisku waxa uu doonayaa in uu helo waddamo ka baxsan Yurub oo uu ganacsi la sameeyo maaddaama oo uu ka baxay Midowga Yurub, Sacuudiguna waxa uu rabaa in uu Maalgashadayaasha reer UK ku qanciyo inay Sacuudiga maalgashadaan.

Qadarka badeecadaha uu Ingiriisku u dhoofiyey waddanka Sacuudiga waxa ku kordhay 41% (£6.2 bilyan) ilaa iyo 2011-kii. Waxa ugu badan ee Ingiriisku Sacuudiga u dhoofiyeyna waa hub.

Bayaan ka soo baxay Xafiiska Ra’iisalwasaaraha, Therasa May, ayaa waxa lagu sheegay sidatan: “Iskaashiga ka dhexeeya UK iyo Sacuudigu waxa uu mar horeba ka qaybqaatay in labadayada waddan ay noqdaan kuwo ammaan ah maaddaama oo aannu wadaagno xogta sirdoonka, taasi oo badbaadisey nolosha muwaadiniinta reer UK. Waxa kale oo uu keenay barwaaqo maaddaama oo uu ka qaybqaatay in waddanka UK ay ka abuurmaan boqolaal kun oo shaqooyin ah iyo in shirkadaha Ingiriisku ay fursado muhiim ah ka helaan Sacuudiga.” Bayaanku waxa uu intaasi ku daray “Booqashada Dhaxalsuguhu waxa ay gogoldhig u noqonaysaa in xiriirkaasi uu noqdo mid sii xoogeysta”.

Dibadbaxyo la filayo in lagaga hor yimaaddo Dhaxalsugaha

Waxa la filayaa in Maxamed Bin Salmaan uu la kulmi doono dibadbaxyo saddexda cisho ee uu ku sugan yahay Ingiriiska. Ururro dhowr ah oo ka hawlgala Ingiriiska ayaa ayaamahanba wadey qabanqaabinta dibadbaxyadan la doonayo in lagu mucaarado Dhaxalsugaha.

Waa maxay sababta dibadbaxyadu?

Dibadbaxyadu waxa ay salka ku hayaan saddex qodob: diiwaanka liita ee xuquuqda aadamaha Sacuudiga, doorkeeda dagaalka Yaman ee saddexda sanno socdey iyo hubka ay dawladda UK ka iibiso Sacuudiga.

Sacuudiga waxa lagu eedeeyaa inuu yahay mid kamid ah waddamada adduunka ugu xorriyadaha yar, gaar ahaan xuquuqda haweenka iyo kooxaha laga tirada badan yahay sida Shiicada waddankaasi ku dhaqan. Sidoo kale, dagaalka iyo duqaynta uu Sacuudigu horkacayo ee ka socota Yaman ayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadamuhu ku sheegeen mid xaqdarro ah oo uu Sacuudigu ku gumaadayo dadka rayidka ah ee reer Yaman.

Ugu danbayntii, dibadbaxayaashu waxa ay ka xanaaqsan yihiin hubka tirada badan ee waddanka Ingiriisku ka gado Sacuudiga, kaasi oo la sheegayo in dawladda Sacuudigu ay u adeegsado gumaadka dadka rayidka ah ee ku nool waddanka Yaman.

Goobjoog News