U bood dhigaalka

Dhageyso: Xubno Sare Oo Ka Tirsan ONLF Oo Gaaray Adis Ababa

Sheeko:Amniga

Xubno sare oo ka tirsan Ururka ONLF ayaa gaaray Magaalada Adis Ababa ee Caasimadda Itoobiya kuwaasi oo Muddo labaatan sano ah Maqnaa.

Afhayeenka ONLF Cabdiqaadir Xasan Hirmooge ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa uu ku sheegay in halkaasi ay u tageen xubnahaan sidii horey loogu sii amba qaadi lahaa wadahadallada nabadeed oo ay kula jiraan dowladda Itoobiya.

Cabdiqaadir waxaa uu tilmaamay in xubnaha ka tirsan ONLF ay qeyb ka yihiin xabad joojin dhowaan ay ku dhawaaqeen ururka kaasi oo ay la galeen dowladda Itoobiya waxaa uu tilmaamay in xabad joojinta ay qeyb ka aheyd in ay Wafdi u diraan Adisa Ababa.

“Xabad joojinta waxaa uu ahaa in Wafdi aan dirno isla markaasna xabad joojin aan ku dhawaaqo si aysan xaaladda u sii xumaanin waxaan dooneynaa in aan horudhac u noqono wadahadalka socda ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Jabhadda kaasi oo ay wadaan dhinacyo saaxiibo ah”.

Jabhadda ONLF ayaa shalay war-saxaafadeed ay soo saareen waxay ku sheegeen iney qaateen xabad joojin Hal dhinac ah, kadib muddo ay ka dagaallamayeen deegaanno ka mid ah dalka Itoobiya.

 

Halkan hoose ka dhageyso wareysiga

 

 

 

 

 

Goobjoog News