U bood dhigaalka

Dhageyso: Wasiir Beyle Oo Sheegay In Nidaamka Bixinta Mushaaraadka Ciidanka Wax Laga Bedelay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in waxbadan laga badalay nidaamka Mushaar bixinta ciidamada dowladda, kuwaasi oo markii hore loo marsiin jiray saraakiishooda.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in nidaamka Mushaar bixinta ciidamada is bedel lagu sameeyay, iyada oo wasaaradda Askari kasta ay u sameysay Akoon u gooni ah oo loogu soo dirayo lacagtiisa.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa caddeeyay in ay weli wadaan dadaallo ku aadan sidii loo heli lahaa tirokoobka saxda ah ee ciidanka dowladda Soomaaliya si askari walba uu Mushaarkiisa gacanta ugu dhigo isaga oo aan loosoo marineyn hay’ad ama qof.

Ciidankii ugu horreeyay ayuu sheegay Wasiirka in ay dhowaan diiwaan-geliyeen isla markaasna ay Mushaaraadkooda Akoonnada ugu dhici doono.

Wasiir Beyle ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii guusha isla markaasna ay dhanka dhaqaalaha ay kula tartami doonto wadamada Sookoraya.

 

 

 

 

Goobjoog News