U bood dhigaalka

Dhiiri Geliy Isboorti Cali Jilacow Absuge Oo Dalka Kusoo Laabtay

Sheeko:Cayaaraha

Ciyaartooydii xulka iyo kooxaha kala duwan ee dalka ayaa magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay Cali Jilacow Absuge oo bahda ciyaaraha ku dhiiirigelin jiray is dhaxgalka bulshada,isagoo sidoo kale maamul kasoo noqday kooxda Banaadir Sports Club oo iminka loo loo yaqaano Muqdisho City Club.

Nuur Amiin oo ka mid ahaa xirfadalayaashii hore ee kooxda Madbacada Qaranka ayaa sheegay in Mr.Cali Jilacow Absuge oo door wanaagsan kasoo qaatay horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.

Kulan ciyaareed si weyn usoo jiitay dadweynihii kasoo qeybgalay ayay ciyaartooydii hore wada dheelayn,iyagoo kuwada faraxsanaa in ay dalka kusoo dhawayeeyaan halyeey isboorti Cali Absuge,balse Cali Jilacow waxa uu Goobjoog u sheegay in uu u mahadcelinayo qof walbo oo ka qeybqaadatay soo dhaweyntiisa.

Jamaal Xaashi Tuure oo ah xoghayaha suuqa geynta xiriirka kubbadda cagta Soomaaliya kana mid ahaa ciyaartooydii wacdaraha soo bandhigay ayaa sheegay in xiiriirka uu hergelindoono in bishiiba hal mar ay wada dheelaan  ciyaartooydii cuslaatay,si ay dhiirigelin iyo waayo aragnimo ugu noqoto jiilka soo koraya.


Guddoomiyaha kooxda Elman Cabdirsaaq Faarax Cumar (Garooje) ayaa Goobjoog u sheegay Cali Jilacow Absuge  oo door wanaagsan kasoo qaatay dhisada naadiyada badan oo caan  ka ahaa Muqdisho siweyn loogu yaqeenay is dhaxgalka arimaha bulshada,iminkana uu aad ugu faraxsanahay in uu kusoo laabto Soomaaliya.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kulan Ciyaared Lagu Soo Dhaweeyay Cali Jilacow Absuge

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/477948449422263/