U bood dhigaalka

Dhimashada Wiish-kii Xaram-ka Ku Dhacay oo sii Kordheysa iyo Cabsi Laga Qabo Dabeylo Kale

Sheeko:Caalamka

Xilli Salaadda lagu jiro ayuu wish-ka ku soo dul dhacay dad ku Tukanayey Xamarka Meka, ugu yaraan  107 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 230 kalana waa ay dhaawacmeen.

Xaramka waa Masjidka ugu weyn Dunida, waxaana hadda lagu jiraa xilligii Xajka, ku dhawaas 3 Milyan ayaa ku sugan Masjidkan oo ku yaallo magaalada barakaysan ee Makah Al-Mukaramah ee waddanka Sucuudiga.

Suleyman Bun Cabdulahi oo ah hogaamiyaha kooxaha Madaniga ah ee Sacuudiga ayaa sheegay in  Wiishka uu ku soo dhacay sababo la xiriira Dabetlo iyo Roobab socday, isagoo intaa ku daray in Xawaaraha Dabeesha ay gaartay 83 KM Saacaddii.

Sacuudiga ayaa Masjidka Xaramka ku wado Ballarin, 3 Milyan ayaa timid sanadkii 2012-ka taas oo keentay in Sacuudiga ay xadidaan tirade dadka Xajka imaanaya sanadihii ka dambeeyay iyada oo ay ka cabsi qabaan in dadka is jiiraan sidoo ka dhacday 2006, xiligaas oo ay Xajka ku dhinteen in ka badan 350 qof oo Xujey ah.

Goobjoog News