U bood dhigaalka

Dhimasho, dhaawac iyo burbur hanti oo ka dhashay Qaraxii Maka Al-Mukarama.

Sheeko:Dalka

Qaraxa ayaa ka dhacay goob lagu qax-weeyo oo ku taala Wadada Maka Al-mukarama ee bartamaha caasimadda Soomaaliya ee Muqdishu,

Wariyeheena ibraahim france oo ku sugan goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa soo sheegaya in uu arkay dad meydad ah oo kuraastii ay ku fadhiyeen dul yaala ayadoo sidoo kale goobta lagu arkayo lugo iyo gacmo go’ay oo meesha yaala

Wariyaheena ayaa intaa ku daray in inuu arkay burbur xoogan, gaadiid gubtay,dhiig dad oo goobta daadaya iyo Haween meyd ah oo goobta daadsan, Waxaa meesha ka muuqda burbur soo gaaray xaruntii dadku ay fadhiyeen iyo sidoo kale baabuurtii meesha taalay oo aad u burburay iyadoo qaar ma mid ah ay gubteen

“hal mar ayaan aragnay qolac iyo qaraxa oo dhacay” ayuu yiri goobjooge markaas taagnaa meel dhawr tilaabo u jirtay meesha qaraxu ka dhacay

ilaa iyo hadda lix qof ayaa la xaqiijiyay dhimashada qaraxaas ka dhalatay oo ay ku jirto haweeney halkaas caano ku iibin jirtay.