U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Weerar Xalay Ka Dhacay Magaalada Boosaaso

Sheeko:Dalka

Hal qof ayaa ku dhintay Laba kalena wey ku dhaawacmeen xalay abaara 8-dii fiidmimo markii rag hubeysan ay weerareen goob ay ku sugnaayeen ciidamo la sheegay inay ilaalo u ahaayeen, Gudoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Beriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige.

Weerarkan oo ka dhacay Isgoyska Afar irdoodka ee Laamiga dheer ee dhex mara magaalada Boosaaso, ayaa waxaa ku dhintay mid ka mid ah ilaalada guddoomiyihii hore ee laanta Canshuuraha Berriga gobolka Bari, Ibrahim Maxamed Jige, waxaana ku dhaawacmay mid kale, iyo qof rayid ah.

Ciidamadda Maamulka Puntland ayaa wada Howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo rag hubaysan oo goob ay ku sugnaayen cidmaddo ilaalo u ahaa guddoomiyihii horre ee laanta canshuuraha beriga Gobolka weeraray

Hase yeeshee, Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sida ay baahisay idaacad ku hadasha Afkooda.

Weerarkan ayaa ku soo beegmay xilli qeyb ka mid ah gobollada Nugaal iyo Bari ay ka socdaan dagaallo ciidamada Puntland ay ku baacsanayaan ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo dhawaan xeebaha Puntland ku gaaray doonyo.

Goobjoog News