U bood dhigaalka

Dhimasho Iyo Dhaawac Ka Dhalatay Rabshado Ka Dhacay Dalka Jabuuti

Sheeko:Dalka

Rabshadi sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada Booliiska iyo sidoo kale dad ka qeybgalayay xuska Sheekh Yoonis Muuse, maalintii shalay.

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku geeriyootay rabshadahaan sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray ku dhawaad 10 kale.

Dadkaan ayaa xuska ku dhiganayay Xaafadda Balbala, waxaana markii ay isku soo baxeen isku dayey inay eryaan ciidanka Booliiska, halkaasina rabshaduhu ay ka billawdeen.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in rabshadahani ay soo abaabuleen Mucaaradka, islamarkaana ay ahaayeen wixii ciidanka la dagaallamay rag hubeysan.

Dhanka mucaaradka Jabuuti iyana waxay sheegeen in lagu soo qaaday weerar cad islamarkaana lagu bartilmaameedsaday xubno iyaga ka mid ah.

Ciidamada Jabuuti ayaa howlgallo ay sameeyeen waxay xabsiga kusoo dhigeen ugu yaraan 7 qof oo mucaaradka ka tirsan.

Xaaladda guud ee Jabuuto maanta waa mid ka yara deggan sidii shalay oo rabshado ay ka dhaceen, iyadoo ciidamada amnigane ay wadaan howlgallo.

Goobjoog News