U bood dhigaalka

Dhinacyada isku haya maamulka koofur galbeed oo isku raacay in ay wada hadlaan

Sheeko:Dalka

Guddiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in dhinacyada isku haya dhismaha Maamulka Koonfur galbeed ay isku raaceen in ay ka wada qeyb galaan maamul saddex gobol ka kooban loo sameeyo Goboladaasi.

Guddoomiyaha gudigaasi Maxamed Xasan Sheikh oo u waramayay Goobjoog FM ayaa waxa uu sheegay in labada dhinac ay wada ogolaadeen in ay ka wada qeyb galaan shirka maanta lagu wado in uu ka furmo Baydhabo kaasi oo la sheegay in looga arinsanayo caqabadaha siyaasadeed xiisadii ka taagneyd magaalada Baydbabo.

Wariyaha Goob-joog FM Raaxo maxamed Maxamuud oo wareysatay ayaa marka hore weydiisay Muhiimadda uu leeyahay shirka la filayo in lagu qabto Magaalada Baydhabo.

Hoos ka dhageyso wareysiga: