U bood dhigaalka

Dhinacyada Ku Dagaalamaya Sudan oo Lagu Eedeeyay Dabiyo Dagaal

Sheeko:Amniga

 Dagaalka ka socda wadan ka Sudan ee u dhaxeeya xoogaga isku haya awoodda dalkaas ayaa waxaa lagu eedeynayaa in ay gaysteen dambiyo dagaal, kadib markii la duqeeyay isbitaallo ku yaalla Khartoum kuwaas oo ay ku sugnaayeen Bukaano, sida laga soo xigtay mas’uuliyiin caafimaad ee ku sugan caasimadda.

Weerarada ka dhacay Isbitaallada ayaa isugu jiray Madaafiic lagu garaacay, duqeymo dhanka cirka ah, iyadoo bukaannada ay weli ku sugan yihiin, waxaana sidoo kale la sheegayaa in si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dhaqaatiir, waxaana arintaan lagu tilmaamay dambiyo dagaal oo ay galeen dhinacyada.

Dhakhaatiirta Suudaan ayaa sheegaya in kaliya tiro yar oo ka mid ah 88-ka isbitaal ee ku yaalla caasimadda Khartoum ay weli furan yihiin,ka dib toddobaadyo dagaal ka socday magaalada, waxaana wali socda barakaca ay sameynayaan dadka shacabka oo ka baxsanaya dagaalka u dhaxeeya dhinacyada ku loolamaya awoodda dalkaas.

Duqeymaha loo geystay Isbitaallada ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli magaalada Jeddah ee Sucuudiga ay ka socdaan Wadahadalo u dhaxeeya dhinayada isku haya dalkaasi, waxaana sidoo kale burburay xabad joojin lagu doonayay in dhinacyadu ay gaaraan.

Goobjoog News