U bood dhigaalka

Dhismaha Golaha Deegaanka Garoowe Oo Gebogebo Maraya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland ayaa sheegtay in haatan uu heer gebogebo ah marayo dhismaha golaha deegaanka ee magaalada Garoowe.

Agaasimaha wasaaraddaasi Jubba Cali Nuur ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News waxa uu ku sheegay in haatan ku dhowaad Labaadan xildhibaan oo golaha deegaanka ah lasoo gudbiyey, inta harsanna ay maalmaha soo aadan soo dhammeystiri doonaan.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay in ay jiraan odoyaal dhaqameed soo gudbiyey in ka badan intii loogu talogalay, balse laga reebi doono inta sida rasmiga ah looga rabo, iyaguna xulan doonaan cidda matali doonta.

Agaasimaha ayaa dhinaca kale waxa rajo ka muujiyey in maalmaha soo aadan lagu dhowaaqo golaha deeganka magaalada Garoowe.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News