U bood dhigaalka

Dhismaha Guddiga Farsamada Ee Maamulka Loo Sameynayo Sh/dhexe Iyo Hiiraan Oo Gabagabo Maraya

Sheeko:Dalka

Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in haatan meel gabagabo ah uu marayo qorshaha la doonayo in lagu dhiso maamulka Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Federaalka Cali Abtidon Xalane ayaa sheegay in hadda la dhameystirayo guddigii farsamada ee ka shaqeynlahaa dhismaha maamulkaan.

Waxa uu sheegay in la’isku raacay tirada xubnaha guddigaan, waxa dhimanna ay tahay in la magacaabo xubnaha guddigaan ka mid noqonaya.

“Howshaan waxa qaban doona guddi farsamo oo madax banaan kaas oo ka imaanaya dadka deggan Labada Gobal Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, hadda waxaa la isku raacay tirada guddiga, waxa xiga waa in la magacaabo dadka guddigan ka mid noqonaya” ayuu yiri agaasimaha wasaaradda Arrimaha gudaha.

Shirka maamul u sameynta gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa qorshihiisu ahaa in uu furmo 1-dii bisha September 2015 ee lasoo dhaafay hase ahaatee dib ayuu uga dhacay.

Dhinaca kale waxaa jirta in waxgaradka ku dhaqan Labadaasi gobal ay ku kala aragti duwan yihiin halka lagu qabanayo shirka, iyadoo Labada dhinac ay kala doonayaan in shirka lagu kala qabto magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar.

Goobjoog News