U bood dhigaalka

Dhismaha Isbitaal Laga Hirgeliyo Degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan Oo La Dhagax dhigay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

MaxaasDhismaha Isbitaal cusub oo laga dhisayo degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa la dhagax dhigay, kaas oo bulshada ku dhaqan degmadaasi loogu tala galay in uu ka haqabtiro baahida dhanka caafimaadka ah.

Munaasabadda Isbitaalkaan lagu dhex dhigayay ayaa waxaa ka qeyb galay Maamulka degmadaasi, Odayaal iyo Hay’adda Isbitaalkan halkaasi ka dhisayso, iyadoo sidoo kale laga war bixiyay inta qol ee uu ka koobnaan doono dhismaha Isbitaalkaan.

Dhismaha Isbitaalkaan ayaa ka koobnaan doona 25 qol iyo Laba Hool sida uu sheegay Cabdulaahi Yuusuf oo Ah wakiilka hay’adda dhismahaan filinaysa.

Odayaasha dhaqanka degmada Maxaas ee Gobalka Hiiraan ayaa dhankooda soo dhaweeyay dhismaha Isbitaalkaan lagu wado in degmadaasi laga dhiso, waxaana ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in la hirgeliyo Isbitaalka.

Shacabka Maxaas ayaa dhankooda sheegay in marnaba aanay iloobi doonin cid walba oo u hirgelisa Isbitaalkaan, iyadoo ay jirto baahi loo qabo hirgelinta dhismaha Isbitaalkaan cusub.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News