U bood dhigaalka

Maamulka Gobalka Gedo Oo La Dhameystirayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Jubbaland ayaa wada qorshe lagu dhameystirayo maamulka gobalka Gedo oo dhawaan loo magacaabay gudoomiye cusub.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu xilkii uga qaaday gudoomiyahii hore ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Kaliil, isaga oo magacaabay gudoomiye cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Jeneraal Fartaag iyo xubno kale oo maamulka ka mid ah ayaa ku sugan degmada Doolow, waxaana ay wadaan dhameystirka maamulka gobalka Gedo.

Waxaa la magacaabay gudoomiyayaal cusub oo qaar ka mid ah degmooyinka gobalka ah, taliyahii guud ee ciidamada Jubbaland u qaabilsan Gedo, iyadoo sidoo kale dhawaan xubno cusub la magacaabi doono.

Isbedalka la sameynayo ee dhanka maamulka gobalka Gedo ah ayaa yimid ka dib markii degmada Doolow ee gobalka Gedo ay heshiis ku wada gaareen siyaasiyiin kasoo hor jeeday maamulka Jubbaland iyo madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Goobjoog News