U bood dhigaalka

Dhismaha Wadada Isku Xirta Gaalkacyo Iyo Wisil Oo Meel Wanaagsan Maraya

Sheeko:Dalka

Waxaa xilligaan meel wanaagsan maraya dhismaha wejiga Labaad ee wadada isku xirta magaalada Gaalkacyo iyo Wisil, iyadoo dhismahan wadadan gacanta ay ku hayaan guddiga GOB.

Guddiga GOB ayaa bulshada la qaatay kulamo dhaqaale loogu uruurinayo wadadaasi, waxayna guddigan kulamo la qaateen shacab badan oo ku dhaqan deegaanno ka mid ah gobolka Mudug.

Shacabka ku nool deegaanka Ceel-dibir ee gobolka Mudug ayaa guddiga GOB ku wareejiyey lacag ay ugu talogaleen in lagu dhiso wadadan isku xirta Wisil iyo Gaalkacyo.

Waxgaradka deegaankan ayaa sheegay iney diyaar u yihiin in kaalin wanaagsan ay ka qaataan dhismaha wadadan, waxayna guddiga ku wareejiyeen 100 neef oo Ari ah iyo sidoo kale 10 Kun oo doolarka Maraykanka ah.

Guddiga GOB ayaa shacabka Ceel-dibir uga mahadceliyey dedaalka ay sameeyeen, waxayna ballanqaadeen in wax walbo oo dadku dhiibto wadadaasi la gelin doono.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News