U bood dhigaalka

Dhismaha Wadooyinka Degmada Jowhar Oo Lasoo Gaba Gabeeyay (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

JowharWaxaa guud ahaan la dhameystiray wadooyinka kala qeybiya xaafadaha magaalada Jowhar oo dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay.

Maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe iyo dowladda Britten ayaa iska kaashaday qorshe la sheegay in uu ahaa tijaabo lagu dhisayay wadooyinka degmada Jowhar.

Waxaa hadda hadda dib usoo laabtay bilicda wadooyinka degmada Jowhar iyadoo sidoo kale inta howshaan ay socotay lagu guuleystay dayactirka Buundada degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in hay’adda ka socota dowladda Britten ee dhismahaan wado ay sidoo kale dhawaan dib u habeyn ka bilaabi doonto duleedka degmada jowhar oo ay ka bilaabato burburka wadada dheer ee isku xirta gobalada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Shacabka ku dhaqan degmada Jowhar iyo darawalada gaadiidka halkaasi ka shaqeeya ayaa aad usoo dhaweeyay dib u habeynta lagu sameeyay wadooyinka degmadaasi.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News