U bood dhigaalka

Baydhabo: Dhismaha Wasaaradda Dib U Dejinta Oo La Dhagax Dhigey

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu dhagax dhigayay dhismaha wasaaradda dib u dejinta iyo barakacayaasha ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Dhagax dhigga dhismaha wasaaradda waxaa ka qeyb galay madaxda maamulka Koonfureed iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ku simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo ka qeyb galay ayaa sheegay in tani ay tahay mid la sugayay  mid muddo ah maadaama wasaaradda ay qaabilsan tahay dib u dejinta qoysaska.

Liibaan Sheekh Shuceyb oo ah agaasimaha wasaaradda ayaa sheegay in dhismaha maanta la billaabayo ay shaqadeeda tahay sidii dib u dejin loogu sameyn lahaa qoysaska ka soo laabanaya qaxootiga.

Qoysas badan oo ka soo laabanaya xeryada Kenya ayaa qaarkood soo gaaray gobollada Koonfur Galbeed kuwaasoo hadda ku dayacan meelo kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Goobjoog News