U bood dhigaalka

Dhismaha Wejiga 1-aad Ee Wadada Soddonka Oo Lasoo Gabagabeeyay

Sheeko:Dalka

 Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu soo gabagabeeyay dhismaha wejiga 1-aad ee wadada Soddonka, waxaana la dhisay dhammaan cabbbirka ku aadan degmada Hodon.

Aadan Sheekh Cali Fiidow oo ah ku xigeenka dhanka howlaha guud ee maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in degmada Hodon maamulkeeda ku wareejiyeen qeybta ay dhiseen, loona baahan yahay iney ilaalsadaan oo ay nadaafaddiisa ka shaqeeyaan.

“Wejiga 1-aad ayaan soo gabagabeynay, maamulka degmada Hodon waxaa laga rabaa nadaafaddiisa, maamulka waxaa laga rabaa inuu ku ganaaxo ama ku xiro haddii laga shaqeyn waayo nadaafadda” ayuu yiri Fiidow.

Maxamed Axmed Cantoobo, waa guddoomiyaha degmada Hodo nee magaalada Muqdisho, wuxuu isna sheegay iney ka shaqeyn doonaan nadaafadda laamigan cusub, sidoo kalena dhireyn ku bilaabi doonaan.

Waxaa weli soconaya dhismaha guud ee wadada Sodoonka ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ah waddo aad ugu muhiim ah marinka dadka shacabka ah.

Goobjoog News