U bood dhigaalka

Dhismasho Iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Ka Dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe

Sheeko:Caafimaadka

Inta la xaqiijiyay 1 ruux ayaa ku geeriyooday 10 kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib markii gaari dad shacab ah ay saarnaayeen uu ku rogmadey deegaanka Cadaan-laxey ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Gaarigan ayaa ka yimid deegaanka Ceelbacad ee isla gobolkaasi, waxaana uu kusoo wajahnaa magaalada Muqdisho sida uu inoo xaqiijiyay wadihii gaariga rogmaday oo magaciisa ka gaabsaday.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii gaarigaan uu si dadban isugu dayey inuu u maro meel buur ahayd (carro badan taallay) sidaasi awgeedna uu si lama filaan ah ku rogmaday.

Dadka dhaawacmay Shan ka mid ah ayaa la sheegay in xaaladoodu ay aad u daran tahay kuwaasi oo loola cararay degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Shilalka sidaan oo kale ayaa kusoo batay deegaannada gobolka Shabellaha Dhexe, inta badanna waxay dhacaan shillakaan xilli gaadiidku yihiin kuwo ku socda xawaare aad u dheereeya.

Goobjoog News