U bood dhigaalka

Dhoobley: Dad Gaaraya 200 Oo Uu Soo Ritay Cudurka Shuban Biyoodka

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobalka Jubada Hoose ayaa sheegaya In dad gaaraya 200  oo qof uu soo ritay cudurka Shuba Biyoodka, kuwaasi oo qaarkood laga deyrinayo xaaladooda caafimaad.

Dadkaan ayaa isugu jira kuwo Da’ah iyo caruur, waxaana cudurkaan la soo sheegayaa in dhawaan uu ka dilaacay guud ahaan degmadaasi.

Nabadoon Xuseen Maxamed Cabdullaahi oo ku sugan Dhoobley ayaa u sheegay Goobjoog News in cudurkaan uu saameyn ku yeeshay degmada, sidoo kalena aanay jirin dawooyin yaalla isbitaalka degmadaasi.

“Adeerow cudurkaan shuban biyoodka waxaa la socda Daacuun, anaga meel xuduud ah ayaan ku yaalnaa, mana heli karno wax gurmad daawo ah, dowlad gobaleed iyo dowlad dhexe midna gacan kama haysanno, daawo malahan degmada, xaaladana wey kasii daraysaa maalinba maalinta ka dambgeysa” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu dambeyn waxa uu Nabadoon Xuseen Maxamed Cabdullaahi uu ugu baaqay maamulka Jubbaland in si degdeg ah ay dadkaasi ula soo gaaraan dawo inta dadka aanay u dhamaan shuban biyoodka.

Goobjoog News