U bood dhigaalka

Dhoobley: Maxay Tahay Ujeedka Safarka Madaxweyne Madoobe?

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada ay ku soo dhaweeyeen.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayey saraakiil ka tirsan ciidamada Daraawiishta Jubbaland, iyo kuwa sida gaarka u tababaran ee xoogga dalka ee Danab, oo mudooyinkii ugu dambeeyey u joogay dib u habeynta ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland.

Madaxweyne Madoobe ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Dhoobley lagu wadaa inuu la kulmo bulshada qeybaheeda kala duwan saraakiisha ciidamada xoogga dalka qeybta 43-aad iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland,iyaga kawada hadlayo sidii loo dardargelin lahaa howlagallada ka socda Jubbaland.

Sidoo kale Madaxweyne ayaadhanka kale waxaa la filayaa uu la kulmo saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Kenya kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey taageerayey ciidamada Jubbaland, iyadoo dhawaan Kenya ay ku dhawaaqday howlgal ka dhan ah Al-shabab oo uu ka taageereyso dowladda Mareykanka.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa Dhoobley bishaan gudaheeda waxaa uu tagay dhowr jeer Jubbaland ayaana horay ugu micneysay safarka madaxweynaha inuu la xiriiro howlgallada lagu xoreynayo deegaannada ka maqan gacanta dowlad gobaleedka.

Ugu dambeyn safka Madaxweynaha dowlad gobaleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo asbuucyadaan ciidamada Daraawiishta Jubbland iyo kuwa xoogga dalka ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka socda Jubbaland oo saraakiisha ciidamada ay ku sheegeen in ay uga goley yihiin in lagu xoreeyo magaalooyinka Bu,aale, Jilib iyo deegaannada kale ee ku jira gacanta Al-shabab.

Goobjoog News