U bood dhigaalka

Dhoobo Daareed Oo Sheegay Inuu Ka Shaqeynayo Dhismaha Maamul u Gaar Ah Sool Iyo Sanaag

Sheeko:Dalka

Guddoomiyahii hore ee baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland, C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan dhismaha maamul u gaar ah gobollada Sool iyo Sanaag.

Wuxuu sheegay in si aan sharci ahayn looga qaaday xilkii uu ka hayey baarlamaanka Puntland, wixii ka dambeeyeyna ay shacabka Sool iyo Sanaag usoo jeediyeen inuu ka shaqeeyo dhismaha maamul u gaar ah gobolladaasi, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayuu sheegay in ay hadda ka weecatay wadadii wax wadaagga ahaa ee ay gobolladu ku heshiiyeen, islamarkaana haddii uu sixi waayo ku qasban yahay in uu ka shaqeeyo maamulkan cusub.

Shacabka Sool iyo Sanaag ayuu ugu dambeyn ugu baaqay iney ka shaqeeyaan midnimadooda oo aan la kala qeybin.

Goobjoog News