U bood dhigaalka

Dhoobo Daareed “Waa Xaaraan Xil Ka Qaadisteyda”

Sheeko:Dalka

C/xakiin Maxamed Axmed Dhoobo Daareed oo maanta xildhibaannada Puntland ka qaadeen xilkii guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi ayaa ka hadlay sida uu u arko xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Guddoomiyaha oo la hadlay BBC ayaa sheegay in xaaraan ay tahay xil ka qaadistii lagu sameeyey, islamarkaana aan waddo sharci ah loo soo marin.

“Waxaanu leenahay nidhaam iyo hannaan; waxaanu leenahay shuruuc uu ugu sarreeyo dastuurka. Haddaanu nahay Baarlamaanka, waxaan leenahay xeer-hoosaadka golaha. haddaanu labadaa midna waafaqsanayn, waa xaaraan, waxna kama jiraan, mana ansaxayo”

Xildhibaannada ayaa sheegay in sababta ay xilka uga qaadeen guddoomiye Dhoobo ay tahay, kadib markii uu jabiyey Dastiirka Puntland iyo xeer-hoosaadka u yaalla baarlamaankooda, balse guddoomiyaha arrintaasi waa uu iska bari yeelay.

“Ma jirto xeer hoosaad aan jebiyay, golaheyga si wanaagsan ayuu ku socday, tii shalay u dambeysay si fiican bay u qabsoontay, gudoonkeygaan la tashanayay oo hareeraha iga fadhiyay, golahaan la tashanayay, wax la wada qaatay bay ahaayeen”.

“Waxaa nakala saaraya; in uu xaq yahay ama in uu xaraan yahay, waxa iigu qoran dastuurka iyo xeer hoosaadka, qaabka aan xilka ku waayi karo”

Ugu dambeyn, Dhoobo Daareed ayaa sheegay in isaga waddo sharci ah uu ku yimid, haddii uu baxayana uu ku bixi doono waddo la mid ah sidii uu markii horeba ku yimid, “Anigu sifo sharci ah baan ku imid, sifo sharci ahna waan ku tagayaa”

49 mudane ayaa u codeysay xil ka qaadistii maanta lagu sameeyey guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, waxaana ka aamustay 4 mudane oo kaliya, maadaama kulanka ku furmay 53 xildhibaan.

Goobjoog News