U bood dhigaalka

Dhul-Gariir Ka Dhacay Tanzania Oo Dad Ku Dhinteen

Sheeko:Dalka

Bariga Afrika: Dhul-gariir ayaa ka dhacay dalka Tanzania, dhankeeda waqooyi , waxaa lagu qiyaasay ilaa 5.7.

Ugu yaraan 13 qof ayaa ku dhimatay halka 203 kale ay ku dhaawacmeen, sidaa waxaa sheegay saraakiil u hadashay dalkaas.

Dhul-gariirka waxaa kaloo la sheegayaa in uu ka dhacay meel u dhaw Lake Victoria ee xadka dalkaas uu la leeyahay Uganda iyo Rwanda.

Magaalada Bukoba oo dhibaatada inta badan ay ka dhacday ayaa la sheegayaa in ay ku noolyihiin 70,000.

Goobjoog News