U bood dhigaalka

Dhul-gariir xoogan oo ku dhuftay magaalada Wajaale

Sheeko:Dalka

Dhul GariirMagaalada Wajaale ee ku taala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in habeenkii xalay ahaa uu ku dhuftay Dhul-gariir xoogan kaa oo dadbadan qal qal ku beeray.

Abaare Sagaalkii fiidnimo ayaa la sheegay in mar qura Dhulka uu gariiray, iyadoo wadooyinka qaar uu bur bur soo gaaray, hase ahaatee lama soo sheegin qasaare kale.

Dadka ku dhaqan magaalada Wajaale ayaa sheegay in ay kusoo baraarugeen dhulka oo gariiray, waxaana durba ay kasoo kala yaaceen halkii ay ku jireen iyaga oo ka baqay in daaraha ay kusoo dumaan.

Magaalada Wajaale, waa magaalo caan ku ah ganacsiga, waxaana halkaasi ku nool dad aad u badan.

La soco wixii kusoo kordha warkaan.

Goobjoog News