U bood dhigaalka

Dhulgariir Ku Dhuftay Dalka Taiwan

Sheeko:Dalka

Dhulgariir xooggan ayaa dhulka soo dhigay dhismooyin badan oo ku yaallay magallada ku taalla koonfurta dalka Taiwan ee Tainan, halkaas oo ay ku geeriyoodeen ugu yaraan Seddax ruux.

Sadexda qof ee dhimatay waaxaa ka mid ah canug yar oo ka mid ah dad dhismo uu ku soo dumay, in kabadan 220 ruux ayey dowladda dalkaa ay sheegtay in laga soo bad baadiyey dhismaooyinka bur buray.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu uu ahaa 6.4 ayaa ku dhuftay koonfurta dalkaa saaka oo Sabti ah xili dadku ay hurdayeen.

Sawiro laga helay dhulgariirka ka dhacay magalada Tainan, ayaa muujinaya burbur xooggan oo soo gaaray dhismooyin badan oo magaalada ku yaalla.

Madaxweynaha dalkaasi Ma Ying-jeou ayaa ku sii jeeda magalada Mashaqadu ay ka dhacday ee Tainan, halkaas oo ay ku noolyihiin dad gaaraya Labo Milyan.

Talafishinada ayaa muujinayey shaqaalaha gurmadka oo ku dadaalaya sidii ay u gaari lahaayeen dad ku dhex xaniban dhismooyinka dhul gariirku uu saameeyey iyaga oo isticmaalaya xargo iyo jaranjarooyin si dadka loo soo bad –baadiyo.

Wakaladda wararka Taiwan ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 23 ruux ay ku dhaawacmeyn dhulgariirka magaladaa ka dhacay.

Dowladda dalkaa ayaa aaminsan in dad gaaraya 200 oo ruux oo ku nool dhismooyin gaaraya 60 guri in wali halkaa ay ku xanibanyihiin.

Goobjoog News