U bood dhigaalka

Dhuusa-mareeb: Daah-furka Dhameystirka  Heshiiska Galmugug Iyo Ahlu-sunna Oo Furmay

Sheeko:Dalka

Waxaa hadda magaalada Dhuusa-mareeb ka furmay shirka daah-furka dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Ahlu-sunna.

Shirkan waxaa goobjoog ka ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ergeyga Qaramada midoobey Soomaaliya Michael Keating, madaxweyneyaasha maamul goboleedyada dalka marka laga reebo Axmed Madoobe Jubbaland.

Heshiiskan kadib waxaa lagu wadaa in Sheekh Shaakir uu si rasmi u noqdo madaxa xukuumadda Galmudug, sidoo kale in la isku daro Xildhibaannada labada maamul, lana qeysado jagooyinka ugu waaweyn.

Ahlu-sunna waxaa ay qeyb ka aheyd heshiiska maamul u sameynta Galmudug, iyada oo ka mid aheyd saxiixayaashii heshiiskii  July 30, 2014 ee qalinka ku duugeen Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid : Galmudug, Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan Guureeye : Ahlu Sunna Wal Jamaaca, Cabdullaahi Maxamed Cali Baarleex : Ximan iyo Xeeb iyo rag dowladda federaalka ah ka socday sida Mustafa Sheekh Cali Dhuxuloow, Ducaale Aadan Maxamed, Axmed Cali Salaad Taako  iyo Mahad Axmed Salaad.

In kasta oo natiijada maamul goboleedkii heshiiskaasi  ka dhashay Ahlu-sunna wax laga siiyay hadana kuma qancin oo garabyo badan ayey yeelatay kooxda, waxaa ay qabsatay magaalooyin ay ku jiraan caasimadda Galmudug ee Dhuusa-mareeb.

Sanadkii hore, dadaallo badan oo dowladda federaalka ah, Djibouti iyo hey’ado kale bixiyeen waxaa la gaaray heshiis hor-u-dhac ah.

December 6, 2017: Maamullada Galmudug iyo Ahlu-sunna ayaa si rasmi ah,  waxay si rasmi ah ugu heshiiyeen 14 qodob oo lagu soo afjaray khilaafkii dhanka siyaasadeed.

Goobjoog News