U bood dhigaalka

Dhuusama-mareeb: Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Iyo Wafdigeeda Oo Xabsi Guri La Dhigay

Sheeko:Dalka

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada  Dhuusa-mareeb, Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliimo Ismaaciil Yarey iyo illaa 10 shaqaale ah ayaa ku jira xabsi guri magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Galgaduud.

Guddiga oo ujeedkiisa ahaa wacyi-gelin la xirirta doorashada ayaa ku sugan magaalooyin ay ka mid yihin Cadaado, Cabdud-waaq, Guri-ceel iyo meelo kale, waxaana la sheegayaa in Xalimo Yarey iyo saraakiil kale loo diiday in ay dib ugu noqdaan Guri-ceel si ay u aadaan Galkacyo kadibna Garoowe.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka waxa sanadki hore shaqadan u diray baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkan kala soco, Goobjoog News