U bood dhigaalka

Dhuusamareeb 3 oo Qaban-qaabadiisu Dhameystirantay, Akhriso Filashada

Sheeko:Amniga

Wararka ay heleyso Goobjoog News ayaa sheegaya in haatan ay soo dhameystirantay qabanqaabada shirka Dhuusamareeb 3 iyada oo wufuudda heer federaal iyo kuwa dowlad goboleedyada ay intaba xirxirteen boorsooyinka, kuna sii jiidaan caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Ugu horreyda, guddiga farsamaha ee shirka Dhuusamareeb 3 ayaa la filayaa iney saacadaha soo socda tagaan gobolka si ay halkaasi uga ambaqaadaan ajendaha iyo arrimaha kale ee qabsoomidda shirkaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo waxyar kadib golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah kala hadli-doonna wixii Dhuusamareeb 2 kala soo kulmay ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socda u duulo xarunta Galmudug si uu u furo Dhuusamareeb 3.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in sidoo kale la filayo in Dhuusamareeb ay soo gaarayaan  wufuudda ka kala socota dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka ah, kuwaas oo rajo ka muujiyey shirka iyo natiijadiisa.

Shirka Dhuusamareeb 3 ayaa waxaa indhaha ku haya beesha caalamka iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, waxaa lagu gorfeyn doonnaa halkii doorasho ahaan uu dalkani aadi lahaa iyada oo inta badan la isku raacay in nooca doorashada ay noqoto wadar ogol, oo waqtigeeda ku dhacda, oo aaney jirin muddo kordhin hey’adaha dastuuriga ah.

Shirkan oo la filayey inuu maanta furmo ayaa waxaa uu muuqdaa inuu dib ugu dhacay sababo farsamo, waxaana la filayaa inuu furmo maalmaha soo socda.

Wararka shirka, kala soco. Goobjoog News