U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Ciidamada Ammaanka Oo Baadigoobaya Nin Dilay Walaalkiis

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamabeere ee Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal ay ku raadinayaan nin la sheegay inuu xalay dilay walaalkiis.

Ninka la raadinayo ayaa magaciisa lagu soo koobay Faa’id, wuxuuna dilay walaalkiis Raage kadib muran la sheegay in maalmahan dambe uu ka dhaxeeyey.

Sida wararku sheegayaan dilkan ayaa ka dhacay xaafadda Waaberi, waxaana Labadan nin ka dhaxeeyey khilaaf xooggan oo dadka xaafaddaasi dhan ay wada ogaayeen.

Muran iyo dood dheer kadib waxaa la sheegay in la dilay Raage, iyadoo Faa’id oo ah gacan ku dhiiglahana uu goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka oo halkaasi gaaray ayaa baaris ku sameeyey Meydka, waxaana ay raadinayaan ninkii wax dilay.

Lama oga waxa rasmiga ah ee uu salka ku hayey khilaafkooda, iyadoo dadkii deganaa xaafaddaasi ay aad uga naxeen dilkan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News