U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Dhismayaasha Sharci Darada Oo La Burburinayo

Sheeko:Dalka

dhuusamareebMaamulka degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud ayaa horay waqti ugu qabtay in ay uga guuraan hareeraha wadooyinka dadka sida sharci darada ah u degan, iyadoo waqtigaasi maanta ay ku ekaa.

Inta badan dadkii shacabka ahaa ee deganaa hareeraha wadooyinka ayaa si iskood ah u burburiyay goobahooda ganacsiga ah, waxaana ay soo dhaweeyeen amarka kasoo yeeray maamulka Dhuusamareeb.

Mid ka mid ah haweenka mudada badan ku ganacsanayay hareeraha wadada ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay in iyada ay gacanteeda ku burburiso dhismahaasi, maadaama ay sheegtay in hadda laga wada shaqeynayo bilicda degmada.

Macalin Cabdiraxmaan Cali Maxamed oo ah gudoomiyaha Dhuusamareeb ayaa isna u mahad celiyay shacabka iskood u dumiyay dhismayaashaasi, ka dib kormeer uu halkaasi ku tagay.

Magaalada Dhuusamareeb waxaa ka soconaya dib u dhis ballaaran, iyadoo dhanka kale magaalada oo dhan ay ka socoto nadiifin iyo sidoo kale qurxin, maadaama ay noqotay caasimadda maamulka loo sameynayo gobalada Mudug iyo Galgaduud.

Goobjoog News

 

Mawduucyada:Gobollada