U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Labo Qodob oo Ay Heshiis Ka Gaareen Farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Sheeko:Amniga

Wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb, xarunta Galmudug ayaa sheegaya in saaka mar kale uu sodco shirkii Dhuusamareeb 4, ee u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyda, iyada oo xalayna la isla gaaray xilli dambe.

Ilaa hadda waxaa la isla meel dhigay, oo lagu heshiiyey labo qodob oo ka mid ahaa kuwii uu muranka ka taagnaa.

(1). In kasta oo guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi oo la hadlay madaxda joogtay Dhuusamareeb uu ku adkeystay inuu isagu yahay qofka wax laga weydiiyo matalaadda waqooyiga, hadana madaxda ayaa ku cadaadiyey inuu la fariisto Mahdi Guuleed oo ah ra’isul wasaare ku-xigeenka, taasi oo laga war sugayo natiijada ka soo baxda.

(2). Waxaa ay sidoo kale madaxdu  isku afgarteen in la baa’bi’yo guddiya halka dhinac ahaa ee Farmaajo u magacawday doorashada dadban, gaar ahaan xubnaha ka tirsan Villa Somalia, kuwa ciidanka ah, aan dhexdhexaadka aheyn ama taageerayaasha la yaqaan u ah Nabad iyo Nolol.

 Hadda, waxaa socda falanqeynta arrinta Gedo, oo ka mid ah qodobada dib loo dhigayey, waxaana muuqata in qodobkan uu yahay midka ugu adag, oo doodda ka jirto.

Warar hor u dhac ah oo ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in saacadihii tagay la isku soo qaaday arrinta Gedo intii lagu jiray ajendayaasha kale, taasi oo muran ka dhex dhalisay Farmaajo iyo Madoobe, lamana oga hadda oo maanta ajendaha uu miiska saran yahay cidda tanaasuli doonta.

Goobjoog News