U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Wafdiga Aqalka Sare Oo La Kulmay Xaaf, Shaakir Iyo Mas’uuliyiin Kale

Sheeko:Baarlamaanka

Wafdiga ka socday aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah oo aaday maamulka Galmudug ayaa maanta xarunta dowlad goboleedka ee Dhuusamareeb kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Geelle Xaaf , madaxa xukuumadda Sheekh Shaakir iyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee baarlamaanka Galmudug.

Kulanka ay yeesheen Guddiga Golaha Aqalka sare iyo Madaxda Galmudug ayaa kusoo dhamaaday Guul iyo Isfaham, iyadoo Masuuliyiinta Dowlad Gobaleedka Galmudug ay soo dhaweeyeen Doorka dhex dhexaadinta uu Aqalka sare u istaagay, iyagoo sheegay inay diyaar u yihiin inay qaataan Doorka dhex dhexaadinta khilaafka jira.

Wafdiga Aqalka sare uu hoggaaminayo Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid waxaa ay u kuur-geli-doonaan xaaladda guud ee dhinacyada Galmudug.

Weriyaha Goobjoog News ee wafdiga la socday ayaa soo sheegaya in kulankan uu ka horeeyey mid hordhac ah, isla markaana farxad iyo marxabeyn ay ma muuqato dhinacyada.