U bood dhigaalka

Dhuusamareeb: Xildhibaan Golaha Shacabka Ah Oo La Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta lagu doortay magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Kursigan oo ay ku tartameen  C/laahi Faarax Wehliye iyo Maxamed Cilmi Afraxa (Mideeye) waxaa October sanadkii hore ka geeriyooday Bootaan Ciise Caalin.

Tartan halkaasi ka dhacay kadib waxaa guuleystay  Cabdulahi Faarax Wehiliye isaga oo helay 28 cod halka ninkii la tartamayey ee Maxamed Cilmi Afraxa uu helay 17 cod, 3 cod ayaa halowday, Xildhibaanka la doortay waa wasiirdu dowlaha arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka ah.

Sheekh Shaakir oo ah madaxa wasiirrada Galmudug oo goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay sida doorashada u dhacday, isaga oo hambalyeeyay Xildhibaanka la doortay.

Goobjoog News