U bood dhigaalka

Dhuxul Laga Dhoofiyay Soomaaliya Oo Gaartay Dalka Ciraaq

Sheeko:Dalka

Markabka oo sida shixnad dhuxul ah ayaa ka baxey deked ku taalla Koonfurta Soomaaliya iyada oo uu ku xirtey dekad ku taala dalka Ciraaq, sida laga soo xigtey Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramadda Midoobay.

Danjiraha Soomaaliya ee jimciyadda quruumaha ka dhaxeeysa Abuukar Daahir, a oo war qoraal ah kasoo saarey arrinkani ayaa sheegay inay dowladdu cambaareyneyso, isagoo dhanka kale ugu baaqey hay’adda ku shaqada ah leh inay baaraan kiiska dhuxusha.

Markabkani oo aan wali la sheegin halka uu ka qaadey Dhuxusha ayaa waxaa uu ku xirtay dekad lagu magacaabo Umm Qasr, iyadoo u saaran yihiin 200,000 oo Kiisha oo dhuxul ah.

Safiir Baalle ayaa cambaareeyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh dhoofinta sharci darrada ee dhuxusha Soomaaliya.

Wuxuu intaas ku sii daray in arrintaan dhibaato ku tahay amniga iyo xasilloonida Soomaaliya,isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ugu baaqayso xukuumadda Ciraaq inay dedejiso baaritaannada ayna qaado tallaabo lagu cadeynayo kiiska Markabka.

Dowladda Soomaaliya ayaa horraantii sanadkani 2018-ka warbixin ay soo saartay ku mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha kaddib shir heer caalami ah oo lagu qabtey magaalada Muqdisho, kaasi oo xubno ka socdey dalalka caalamka ay ka soo qeyb galeen.

Xukuumadda federaalka ah ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in dhuxusha ay u tahay Xarakada Al-Shabaab isha ugu badan oo ay ka hesho dhaqaalaha, xilli ay ka dhoofiyaan qaar kamid ah dekadaha ugu waa wayn dalka, gaar ahaan kuwa ay iyaga maamulaan.

Warkaan ku saabsan in Markab dhuxul sida oo ka baxey Koonfurta Soomaaliya uu ku xirtey dekad ku taala Ciraaq ayaa sare u qaadaya walaac laga qabo in awoodda dhaqaale ee Al-Shabaab ay korodho.

Goobjoog News