U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Dooraashooyinka Dr Congo

Sheeko:Dalka

Dowladda Dr Congo ayaa sheegtay inay dib u dhigtay doorashooyinkii la qorsheynayey inay ka qabsoomaan dalkeeda, waana tillaabo dowladdu ay ku macneysay diyaagarow wanaagsan oo loo galaya qaabkii ay u dhici lahayd doorashada islamarkaana aysan noqon mid lagu degdegay, waxaana dib u dhigista doorashada amray madaxweynaha talada haya ee Joseph Kabila isagoo markaasi ka jawaabayey eedeeymo la xiriira in dowladdu ay ka cagajiideyso qabsoomidda doorashada dalka Dr Congo, si madaxweynuhu fursad uu ku sii joogo u helo.

Guddiga doorashada dalka Dr Congo ayaa ka dhawaajiyey in doorashooyinka ay dib u dhacayaan illaa bisha December sanadka 2018-ka.

“Waxaan go’aansaney inaan dib u dhigno doorashooyinka si aan uga baaqsanno in rabshado soo foodsaaraan doorashada sidaana waxaa yiri madaxweyne kabila oo ka hadlayey magaalada ganacsiga dalka Tanzania ee Darussalam, isagoo intaas ku daray in dad gaaraya 10 million oo aan la diiwaangelin aysan codeyn doonin haddii go’aan lagu qaato qabsoomidda doorashada iyadoo dad badan oo xaq u leh inay codeeyaan ay meesha ka bixi lahaayeen hadaan doorashada dib loo dhigin.

Dalka Congo ayeysan ka dhicin doorasho xasilan oo si nabad ah loogu kala wareeggo, hoggaanka sare ee dalkaas tan iyo markii Congo ay madaxbannaanida ka qaadatey dalka Belgium sanadkii 1960kii, dibadbaxyo looga soo horjeedo maamulka 15 jirsaday ee madaxweyne Kabila ayaa ka billowday dalkaas iyadoo iska horimaadyo dhacay dad badani ay ku dhinteen.

Dadka taageera siyaasadda madaxweyne Joseph Kabila oo hadda shir uga qeybgalaya dalka Tanzania ayaa sheegay in dib u dhaca doorashada ku yimid aysan ahayn go’aan madaxweyne laakiin ay tahay xal si doorashadu ay u noqoto mid loo dhan yahay.

Xisbiyada mucaaradka Congo ayaa kulan ku yeeshay magaalada Kinshasa si ay uga wadahadlaan sidii looga jawaabi lahaa dhibaatada siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana war ay soosaareen ku sheegeen in cabasho ay ka qabaan geeddi socodka doorasahda iyo sababta keentay in dib loo dhigo.

Hoggaamiyaha mucaaradka Congo Etienne Tshisekedi ayaa ka digay in mar kale dib loo soo celiyo bannaanbaxyadii haddii madaxweyne Kabila uu ku guuldareysto inuu xilka isaga tago isalmarkaana awoodda dalka wareejiyo ka hor inta uusan dhicin waqtigiisa oo ku began 19-ka bisha December.

“19ka bisha October waxaan siin doonaa madaxweynaha kaarka jaallaha kaasoo ka turjumaya in waqtigiisii sii idlaanayo marka la gaaro 19-ka December-na waxaan siin doonnaa kaarka gaduudan oo la macne ah in waqtigiisii uu dhamaaday” ayuu yiri afhayeenka mucaaradka dalka Congo.

“Xasarad siyaasadeed kama jirto Congo, waxa hadda soconaya waa iska cabashooyin la xiriira doorashada dalka taas oo ah wax iska caadi ah marka la fiiriyo wadamo badan oo African ah waana qeyb ka mid ah dimuqraadiyadda ayuu yiri Etienne Tshisekedi.

Goobjoog News