U bood dhigaalka

Dib u dhac Ku Yimid Jadwalka Doorashada, Lama Magacaabin Guddigii Labada Heer

Sheeko:Dalka

Waxaa uu dib u dhac ku yimid hirgelinta nidaamka doorasho ee lagu heshiiyey sanadkan 2020/2021 kadib markii lagu guuldareystay magacaabista guddiga doorashada xilligii loogu talo-galay.

Sida ku qorneyd lifaqa 2-aad ee jadwalka doorashada ee lagu heshiiyey, 10-20-ka October 2020 waxaa ay aheyd in lasoo magacaabo guddiga doorashada.

Halka wixii maanta ka dambeeya 21-31 la rabay in lagu jiro tababarka iyo dhismaha guddiga doorashada oo ka kooban heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Dib u dhacan oo aan la ogeyn sababtiisa ayaa waxaa uu horseedi karaa dhaqan gelin la’aanta jawdwalkiisa lagu heshiiyey ee doorashada 2020/2021.

Goobjoog News