U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Kulankii Ay Maanta Ku Ballansanaayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka

Sheeko:Baarlamaanka

Dib u dhac ayaa lagu soo waramayaa inuu ku yimid kulan ay maanta xildhibaannada golaha shacabka ku balansanaayeen, kadib soo jeedin ka timid madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Xildhibaannada oo Laba dhinac u kala qeybsan ayaa dhan walbo doonayey in maanta xaadiro golaha shacabka, balse madaxweynaha oo kulamo la leh Labadan dhinac ee golaha shacabka ayaa dalbaday in la hakiyo iyadoo Labada dhinacna ay aqbaleen.

Weli lama soo shaacin xilliga uu sida rasmiga ah u dhici doono kulankaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News