U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Safarkii Ra’iisul Wasaare Cumar Ee Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Warar goor dhaw soo gaaray Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in maanta uu dib u dhac ku yimid safar Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ku tagi lahaa degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wariyaheene Maxamed C/weli Tooxow oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa soo sheegaya in xubno ka mid ah maamulka Ahlu-sunna u xaqiijiyeen in dib uu dhacay safarkii Ra’iisul wasaaraha.

Lama oga sababta rasmiga ah ee dib u dhaca ugu yimid safarkan Ra’iisul wasaare Cumar.

Shacab fara badan iyo mas’uuliyiinta Ahlu-sunna Waljameeca ayaa diyaar garow u galay soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha iyadoo la sugay amniga guud ee degmadaasi.

Waxaa saxaafadda ku sugan degmada Dhuusamareeb loo sheegay in maalmaha soo aadan uu Ra’iisul wasaaraha halkaasi tagi doono.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News