U bood dhigaalka

Dib u Dhac Ku Yimid Shirka Dib u Heshiisiinta Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxaa dib u dhac uu ku yimid furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, kaasi oo lagu waday inuu ka furmo maanta magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Goobjoog News u sheegay in maanta uu dib uga dhacay shirka, balse lama shaacin waqtiga kale ee sida rasmiga ah u furmi doono.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Dhuusamareeb ayaa halkaasi u jooga furitaanka shirka dib u heshiisiinta Galmudug, iyadoo halkaasi sidoo kale ay joogaan qaar ka mid ah waxgaradka beelaha Galmudug.

Sababta ugu weyn ee shirkan uu dib ugu dhacay ayaa waxay tahay, shirka ka socda magaalada Hobyo, waxaana waxgaradka ku sugan halkaasi laga sugayaa Dhuusamareeb si ay shirka qeyb uga noqdaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News