U bood dhigaalka

Dib u Dhac Maanta Ku Yimid Furitaanka Shirka Dhuusamareeb3

Sheeko:Baarlamaanka

Waxaa dib u dhacay shirkii shirkii Dhuusamareeb 3 oo lagu madlansanaa inuu maanta ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Shirka ayaa ballanku ahaa inuu furmo in la daah furo maanta  taariikhdu tahay 15 bisha August 2020, sida lagu soo heshiiyey shirkii Dhuusamareeb 2, oo lagu dhisay guddi farsamo.

Madaxweyn, dowlwadda federalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda maamullada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan magaalada Dhuusamareeb.

Madaweyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa marar badan ku celiyey inuu qabsoomayo shirka Dhuusamareeb 3, wolow maanta uusan furmin.

Madaxweynaha dowkladda federaalka Soomaaliya ayaan weli fulin ballankii ahaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu u soo bagacaabayo ra,iisalwasaare bedela xukuumaddii dhacday.

Goobjoog News