U bood dhigaalka

Dib u Dhis Lagu Sameynayo Buundada Degmada Buurdhuubo Ee Gedo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhowaan ay bilaabi doonaan dib u dayactirka buundada weyn ee degmadaasi, taa oo burbur uu ka muuqdo.

Xasan Maxamed Cali, guddoomiyaha degmadaasi oo u warammay Goobjoog News, ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Buurdhuubo iyo maamulkooda ay si iskaa wax u qabso ah ku dhisi doonaan buundadaasi.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in buundadan burburka ay soo gaarsiiyeen gaadiidka waaweyn ee ciidamada , taasina ay keentay in hadda marka la marayo aysan dadku ku qabin dhiiranaan.

Dhinaca kale, guddoomiye Xasan Maxamed Cali ayaa ka warbixiyey xaaladda nololeed ee dadka ku nool degmada Buurdhuubo, isaga oo hay’adaha samafalka ah ka dalbaday iney u gurmadaan barakacayaasha ku nool degmadaasi.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News