U bood dhigaalka

Dib u Dhis Lagu Sameynayo Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Sareeyo Guute, Duuliye Maxamuud Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamada cirka Soomaaliyeed ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News, waxa uu ku sheegay in dib u dhis ballaaran lagu sameynayo ciidamada Cirka.

Waxa uu sheegay in ciidan diyaarsan ay hadda joogaan, balse uu ka maqan yahay oo kaliya, haddii ay helaanna waxa uu tilmaamay iney shaqeyn doonaan.

“Ciidanka maanta waxa uu marayaa inuu soo kabto, mustaqbalkiisa wuu ifayaa wixii hadda ka dambeeya, ciidan waa uu jiraa dhammaan waa ay joogaan laakiinse qalabkii ayaa ka maqan, waxaa jooga ciidan diyaarsan oo haddii la helo qalabkaasi shaqeyn kara” ayuu yiri Taliyaha.

Ciidamada cirka ayaa la aas aasay 15-kii February sanadkii 1960, waxayna ciidamadan kahor burburkii dalka ay ahaayeen kuwo leh awood ballaaran oo haystay qalab aad u sarreeya.

Aas aaskii ciidamada cirka kadib waxaa soo maray 9 taliye kuwaasi oo qaarkood nool, inkastoo burburkii dalka uu aad u saameeyey ciidamadaasi.

Lix saldhig oo ciidamada cirka ku lahaayeen dalka, hadda waxay ku shaqeeyaan Hal saldhig oo ah Xerada Afisyoone.

Ciidamada Cirka Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaaldegaya 57-sano guuradii kasii wareegtay markii la aas aasay.

Goobjoog News