U bood dhigaalka

Dib u Dhis Lagu Sameynayo Waddo Isku Xirta Deegaanka Wisil Iyo Degmada Hobyo Ee Mudug

Sheeko:Dalka

Maamulka deegaanka Wisil ee gobalka Mudug ayaa sheegay in dib u dhis lagu sameynayo waddo muhiim ah oo isku xirta deegaankaasi iyo degmada Hobyo.

Cali Xasan Guuleed oo ah gudoomiyaha Wisil oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in maanta oo Axad ah la filayo in madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed uu dhagax dhigo wadadaasi.

Waxa uu tilmaamay in markii maanta la dhagax dhigo wadadaan isla maalinta berri ah la billaabayo dhismaha.

Guud ahaan waxa uu sheegay inay yaallaan qalabkii lagu dhisi lahaa wadadaan, kaliyana u dhimman tahay in la billaabo.

“Maanta ayaa la filayaa in madaxweynaha Galmudug uu dhagax dhigo wadadan isku xireysa Wisil iyo Hobyo, waxaa howshaan gacan weyn ka geystay Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee deegaankan, waxaana fileynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ku dhamaato dhismaha wadadan sababtoo ah waxaa inoo yaalla agab walbo oo lagu dhisayo wadadaasi” ayuu yiri Gudoomiyaha.

Gudoomiyaha Wisil ayaa sheegay in qorshaha la doonayo ee dhismaha wadadan inuu yahay mid Laami ah.

Wadadan isku xiraysa Wisil iyo Hobyo ayaa dhirirkeedu waxa uu gaarayaa 62 Km, waana waddo aad u muhiim ah.

Goobjoog News